
Akhri ama dhegayso qeybta ku xigta
1Waxaa jiray nin ka mid ahaa Farrisiinta oo la odhan jiray Nikodemos oo Yuhuudda taliye u ahaa.
2Isagu habeenkuu u yimid Ciise, wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso haddaan Ilaah la jirin.
3Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Runtii, runtii waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu mar kale dhalan, boqortooyadii Ilaah arki kari maayo.
4Nikodemos wuxuu ku yidhi, Sidee baa nin mar kale u dhalan karaa isagoo duq ah? Miyuu mar kale uurkii hooyadiis geli karaa oo ka dhalan karaa?
5Ciise baa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan kugu leeyahay, Qof haddaanu ka dhalan biyo iyo Ruuxa, boqortooyadii Ilaah geli kari maayo.
6Waxa jidhka ka dhashaa waa jidh, waxa Ruuxa ka dhashaana waa ruux.
7Ha la yaabin haddaan ku leeyahay, Waa inaad mar kale dhalataan.
8Dabayshu way u dhacdaa meeshay doonto, waxaadna maqashaa xiinkeeda, laakiin ma ogid meeshay ka timaado iyo meeshay u kacdo; waa sidaas oo kale qof kasta oo Ruuxa ka dhasha.
9Nikodemos ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sidee baa waxyaalahaas u noqon karaan?
10Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad tahay macallinka Israa'iil, oo aadan weliba waxyaalahaasna garanayn?
11Runtii, runtii, waxaan ku leeyahay, Waxaannu naqaan ayaannu ka hadalnaa, oo waxaannu aragnay ayaannu ka marag furnaa, idinkuna maraggayaga ma aqbashaan.
12Haddaan wixii dunida idiin sheegay oo aad rumaysan weydeen, sidee baad u rumaysanaysaan haddaan waxa jannada idiin sheego?
13Ninna jannada kor uma tegin, kii jannada ka soo degay maahee, waana Wiilka Aadanaha oo jannada jooga.
14Sidii Muuse abeesadii kor ugu qaaday cidlada, sidaasoo kale Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado,
15in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah.
16Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey Wiilkiisa keliya oo dhashay in mid kastoo isaga rumaystaa uusan lumin laakiinse uu lahaado nolosha weligeed ah.
17Ilaah Wiilka uguma soo dirin dunida inuu xukumo dunida, laakiin wuxuu u soo diray inay dunidu ku badbaaddo isaga.
18Kii isaga rumaystaa ma xukumna, laakiinse kii aan isaga rumaysan, hore ayaa loo xukumay, maxaa yeelay, wuxuusan rumaysan magaca Wiilka Ilaah oo keliya oo dhashay.
19Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen.
20Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan.
21Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.
13Iridda cidhiidhsan ka gala, waayo, iriddu waa weyn tahay, jidkuna waa ballaadhan yahay kan xagga baabbi'idda u kaca, oo kuwa ka galaa waa badan yihiin.
14Waayo, iriddu waa cidhiidhsan tahay, jidkuna waa yar yahay kan xagga nolosha u kaca, kuwa helaana waa yar yihiin.
Waqti yar qaado inaad dib-ugu-sheegto qisada erayada fikradaada. Laga yaabaa waxaad doonaysaa inaad kor u hadasho, ama inaad qortid. Haddii ay dhib kugu tahay xasuusta qisada, akhri ama dhegayso mar labaad.
Markaad dareento inay qisada kugu cusbeyn, waqti yar qaado inaad ka fikirto qisada mar kale ama inaad ka wadahadashaan su'aalaha ku sii xiga.
Get Discovery Bible Studies on your phone
Discover copyright ©2015-2026 discoverapp.org
Somali Bible text copyright ©2007 by Society for International Ministries-Kenya. Somali audio copyright ℗2010 Hosanna. Used by permission. All rights reserved.