
Akhri ama dhegayso qeybta ku xigta
1Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah; Aabbahayna waa beerfalaha.
2Laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.
3Durba waad nadiifsan tihiin hadalkaan idinkula hadlay daraaddiis.
4Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnan igu jirin.
5Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la'aantay waxba ma samayn kartaan.
6Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.
7Haddaad igu jirtaan, oo ay erayadayduna idinku jiraan, weyddiista waxaad doonaysaanba, waana laydiin yeeli doonaa.
8Waxaa Aabbahay ku ammaanmaa inaad midho badan dhashaan, waxaadna noqon doontaan xertayda.
9Siduu Aabbuhu ii jeclaaday, ayaan anna idiin jeclaaday. Jacaylkayga ku sii jira.
10Haddaad qaynuunnadayda xajisaan, jacaylkaygaad ku jiri doontaan, sidaan qaynuunnada Aabbahay u xajiyey, oo aan jacaylkiisa ugu jiro.
11Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay in farxaddaydu idinku jirto, iyo inay farxaddiinnu buuxsanto.
12Kanu waa qaynuunkayga inaad isjeclaataan sidaan idiin jeclaaday.
Waqti yar qaado inaad dib-ugu-sheegto qisada erayada fikradaada. Laga yaabaa waxaad doonaysaa inaad kor u hadasho, ama inaad qortid. Haddii ay dhib kugu tahay xasuusta qisada, akhri ama dhegayso mar labaad.
Markaad dareento inay qisada kugu cusbeyn, waqti yar qaado inaad ka fikirto qisada mar kale ama inaad ka wadahadashaan su'aalaha ku sii xiga.
Get Discovery Bible Studies on your phone
Discover copyright ©2015-2026 discoverapp.org
Somali Bible text copyright ©2007 by Society for International Ministries-Kenya. Somali audio copyright ℗2010 Hosanna. Used by permission. All rights reserved.