
Akhri ama dhegayso qeybta ku xigta
35Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:
36Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn.
37Markaasuu xertiisii ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin.
38Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.
1Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.
2Laba-iyo-tobanka rasuul magacyadoodu waa kuwan, Kan ugu horreeyaa waa Simoon, kan Butros la odhan jiray, iyo walaalkiis Andaros, iyo Yacquub ina Sebedi, iyo walaalkiis Yooxanaa,
3iyo Filibos, iyo Bartolomayos, iyo Toomas, iyo Matayos oo cashuurqaadaha ahaa, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Tadayos,
4iyo Simoon reer Kaana, iyo Yuudas Iskariyod, kii gacangeliyey.
5Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina,
6laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.
7Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.
8Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.
9Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina,
10qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa.
11Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.
12Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya,
13oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto.
14Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba.
15Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.
16Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo.
Waqti yar qaado inaad dib-ugu-sheegto qisada erayada fikradaada. Laga yaabaa waxaad doonaysaa inaad kor u hadasho, ama inaad qortid. Haddii ay dhib kugu tahay xasuusta qisada, akhri ama dhegayso mar labaad.
Markaad dareento inay qisada kugu cusbeyn, waqti yar qaado inaad ka fikirto qisada mar kale ama inaad ka wadahadashaan su'aalaha ku sii xiga.
Get Discovery Bible Studies on your phone
Discover copyright ©2015-2026 discoverapp.org
Somali Bible text copyright ©2007 by Society for International Ministries-Kenya. Somali audio copyright ℗2010 Hosanna. Used by permission. All rights reserved.